Kusoo dhawow waxbarashada casriga ah ee wareegta, ee aad ku isticmaali kartid meelkasta.

Waxaan rabnaa inaan idinku wargalino arday ahaan iyo waalid ahaanba, in aad heli kartaan hab waxbarasho oo casri ah,habkaasi oo uu ka qaybqaadanayo,qaybta  waxbarashada dagmadaada(Kamuunkaaga).

Tani waa qayb ka mid ah horumarkaaga waxbarasho, xiisana u yeelaysa waxbarashadaada. Tani waa hab waxbarasho oo cusub, casrina ah, oo aad ku isticmaali karto mobilkaaga(mobil) iyo koombiyuutarkaaga(komputer), adiga oo jooga iskuulka iyo gurigaagaba.

Waxa aad ku baranaysaa casharadan la soo habeeyay ee wax barasho si maqal iyo muuqaal ahaana , muuqaaladan waa la soo koobay  si ay u fududaato fahankoodu waxaana laga soo xulay qaybaha ugu muhiisan  ila toban  maado.

Casharadan marka aad ka shaqayso, waxaad urursankartaa dhibco, adiga oo ka shaqaynaya su’aalaha, kuna celcelinaya casharada, si aad si fiican iskugu diyaariso imtixaanada iyo waliba layliska  guriga laguugu diray.

Waxaad u istimaali kartaa si toos ah, kaliya waxaad u baahantahay inaad eegto iimaylkaaga iskuulka ee aan kuugu soo dirnay studi.se,( kadib gal STUDI.SE) adiga oo is diwaangalinaya.

Maad helin maylka aan kusoo dirnay miyaa?

Waydii macalinkaaga markasta, isaga/iyada ayaa haya macluumaadkaga aad ku gali kartid maylka iskuulkaaga iyo sidii aad u isticmaali lahayd STUDI.SE

Hadii aad u baahantahay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan casharadan waxbarasho ee casriga ah ee diyaarsan, lasoo xiriir support@studi.se.

Det här inlägget postades i Okategoriserade. Bokmärk permalänken.

Lämna ett svar

Din e-postadress kommer inte publiceras. Obligatoriska fält är märkta *